Dhinacyada qaar oo la iskaga soo dhowaanayo, hindise ka baxsan wixii lagu doodayey oo la qaadan karo, Dhuusamareeb 3 & wararkii ugu dambeeyey

0

(Dhuusamareeb) 22 Luulyo 2020 – Warar iminka kasoo baxaya dhanka shirka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in uu jiro woxoogaa isu soo dhowaansho ah oo ay dhinacyadu muujinayaan, iyadoo haatan laga fikirayo sidii meel dhexe la iskugu iman lahaa, si taa loogu dhiso ajendaha doodda.

Dad madasha shirka ku dhow ayaa u sheegaya in waxa wanaagsan ee rajada muujinayaa ay yihiin in waloow lakala aragti duwan yahay misna lagu dadaalayo in wada hadalka horumar laga gaaro oo meel la iskula shubo.

Waxaa madlan kulamo kale oo qabsoomi doona saacadaha soo aaddan ilaa caawa kuwaasoo lagu tilmaamay kuwa wax lagu go’aamin doono, waxaana la hadal hayaa nooc cusub oo doorasho oo ka yara duwan wixii horay la iskugu hayey, balse waa in loo helaa taageerada caalamka.

Noocan cusub ayaa ah moodal ka duwan qof iyo cod iyo mid dadban intaba, waana wax weli la qaabaynayo oo la suuradaynayo, waxaana xogta hordhaca ihi sheegaysaa in la qori doono dad ku dhow 300,000 oo qofood, kuwaasoo dooran doona xildhibaannada oo iyaguna dooran doona Madaxwaynaha. Waxaana xildhibaankiiba kusoo hagaagaysa 1001 qof, iyada oo doorashada lagu dhigayo 3 degmo oo ka tirsan maamul-gobolkeed kasta.

Waxaa sidoo kale lagu muransan yahay cidda maamulaysa doorashooyinkaas iyadoo sidoo kale u baahanaysa waqti ka badan midka haatan u qorshaysnaa qabsoomidda doorashada, iyadoo gaari karta horraanta sanadka soo aaddan ee 2021-ka, waloow aan tan dambe sidaa la iskugu diidanayn farsamo ahaan.

Waxaa lagu wadaa in marka intan oo idil la kariyo deeto la qaban doono War saxaafadeed, iyada oo ay u badan tahay in la saaro Guddi Farsamo isku dhaf ah oo ka kala socda DF iyo Maamullada oo sii fadhinaya Dhuusamareeb, waxaana lagu wadaa kulan 3-aad oo bartamaha bisha Agoosto ka dhici doona isla Dhuusamareeb si loosoo abyo arrimaha la isku diiddan yahay oo dhinac la iskugu raaco.

Hadalsame Media