JEEDLIDDA FARAS DHINTAY: Halkee ka xumaaday xiriirkii taariikhiga ahaa ee Masar & Somalia oo gebi dhaclaynaya? (Masar oo xaalka sii murjiysey & danta Somalia oo…)

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2020 – Masar intii uu Madaxweynaha ka ahaa Abdel Fattah Al-Sisi ma ahayn Masartii hore, istiraatiijiyad ahaan iyo siyaasadba way kala duwan yihiin. Marka la eego xulafadeeda gobolka ee Geeska Afrika, waxay u muuqataa inay tahay ama joogto heerkii ugu liitay. Masar wax dan ah oo diblomaasiyadeed kuma haysan Soomaaliya tan iyo 2006.

Halkan ka akhri qaybtii hore…

Suudaan oo saameyntu soo gaarayso dan kama gelin hardanka labadaan dal ee Afrikaanka ah u dhexeeya, taa beddelkeed khilaafaadka xuduudaha ayaa u muuqda inay diiradda saarto Khartoum oo ay Itoobiya isku hayaan. Waxay sidoo kale dareen liciif ama hooseeya ka muujisay xuquuqdeeda biyaha wadajirka ah ee Niilka, waana sababta tallaabada atooranimada ah ay Itoobiya u qaadeyso.

Haddii meesha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ahaan jirtay mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo siyaasadda arrimaha dibedda ee Masar, hadda taasi waxa ay u eg tahay gabbal daciif ah oo aan naf badnayn.

Xaaladda jahwareerka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ka dhaxaysa labada dal ee Jaamacadda Carabta ku wada jira, ayaa sii xumaatay kaddib go’aankii Soomaaliya ee ahaa in aysan taageerin mowqifkii Jaamacadda Carabta ee hiillada u ahaa Masar, kana soo horjeeday Itoobiya ee ku saabsanaa biyo-xireenka.

Dowladda Soomaaliya waxay xiriir adag la leedahay hadda tan Xukuumadda Adis Ababa, waxayna labadaba dhinac ku talo jiraan in ay ka gudbaan masiibooyinka dagaalka iyo sawirrada waxyeellada leh ee weli ku jira maskaxda dad badan oo gobolka ku nool, taasi si ay u dhacdana waa in la soo af-jaro faragelinta Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, sida Xukuumadda Abiy Axmed u timidna wa xoogaa horumar ah ayaa laga gaaray, walow qorshuhu yahay in gebigeedba meesha ka baxdo.

Soomaaliya keligeed kuma ahayn in ay go’aan dhex-dhexaadnimo ka qaadato arrinta biyo-xireenka ee qaraar ahaan loo geeyey Jaamacadda Carabta, kiiska waxaa ku wehliyey Jabuuti, oo xiriir dhaw la leh Masar, sidoo kalana dano dhaqaale la wadaagta Itoobiya, maadaama ganacsiga Itoobiya uu ku xiran yahay dekedaha Jabuutina oo wax kaga soo degaan, taasi oo ka dhigeysa inay Jabuuti danteeda eegato.

Arrinta waxaa sii walaaqaya basiinna u sii noqday, in Masar iska dhex dabaalanayso siyaasadda Soomaaliya oo si kama’ ah iyadoo dawladdii dalka dhinac maraysa lana xaajoonaysa si doc faruur ah maamulladii dalka, horay waxaa u dhacday in wakiillo ka socday wasaarad dibadeedka Masar booqdeen Maamul-goboleedka Budlaan, hadda oo u dambaysana boqasho ku tageen Somaliland una soo bandhigatay in ay siiso saldhig ciidan oo ay Itoobiya ka arbushto.

Arriimahaasi oo dhan xaaladda ayeey sii dhabqiyeen, dowladda Soomaaliyana aad ayay kaga carootay, jeer ay horay uga hakisay barnaamijkii dhanka waxbarashada ahaa ee Masaaridu ka wadeen Soomaaliya.

Dhamaad….

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax

U gaar ah

Hadalsame Media