ARSENAL VS MAN CITY: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(London) 18 Luulyo 2020 – Macallinka Arsenal ee Mikel Arteta ayaa wajahaya kabiirkiisii hore ee Pep Guardiola marka ay nus-dhamaadka FA Cup isku arkaan kooxda haysata rikoodhka qaadista koobka iyo kuwa iminka haysta.

Dhanka Arsenal: Macallinka Gunners ayaa doonaya natiijo ka wanaagsan middi beri dhowayd kooxdiisa 3-0 lagu bahdiley gegada Etihad, taasoo inta badan lagu eeday David Luiz, balse kaddib kasoo kabatay oo badisay 4 ka mid ah 6 kulan ee ugu dambeeyey Premier League.

Dhanka City: Maadaama aanay jirin wax kale oo walaacinaya kooxda Citizens, marka laga reebo kulankan oo ay final-ka iman karaan iyo Real Madrid oo ay muddo 3 todobaad gudohood ah is fara saarayaan. Sidaa darteed, Pep Guardiola wuxuu kulankan safi karaa xiddigaha ugu waawayn.

SAFAFKA LAGA YAABO EE LABADA KOOXOOD:

Arsenal XI: Martinez, Tierney, Luiz, Holding, Mustafi, Bellerin, Xhaka, Willock, Nelson, Aubameyang, Pepe.

Hadalsame Media