Waa maxay SAAMILEEYDA SIYAASADDU meeshu ma SUUQ baa? (Maxaa se SAAMI loo adeegsan karaa?!)

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2020 – Eray bixintu waa inay erayga ay u yeeshaa micno xoojin kara eraygaas ee waqtiga cusub ku soo kordhay afka. Intuu burburay dalka waxaad arkeeysaa in aqoonta Luuqada uu samayn ku yeeshay burburka dalkeena.

Qeexid “ Saami” waa eray loo isticmaalo qeexidda qayb aad ku leedahay hanti gaar loo leeyahay:

Qeexid “ Siyaasad” waa dhaqdhaqaaq la xiriira arimaha dowlad iyo dal.

Hadaba, ma jiri kartaa siyaasadda dal oo gaar loo yeelan karo? Waa maalaa yacni waxaasi.

Hadaba sidee buu KHALADKAAN ku dhacay?

Waxaa si khalad loo turjimay kelmad Ingariisi ah oo ah ”Stakeholder”, Waxaana qabaa inay kelmadaan sida loo isticmaalay ay khalad ku tahay ah afka qaniga ee Soomaaliyeed.

Waa wax laga xishoodo ama sharaf xumo ku ah dalka iyo dadka Soomaaliya. Halla raadiyo eray uga habboon.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A. Qaasim

FG: Haddii aanba la huraynin cidda qura ee saamileey si uun loogu tilmaami karaa waa shacabka, balse marna ma habboona in eray ganacsi la xiriira tibix siyaasadeed laga dhigo.

Hadalsame Media