Toban QODOB oo tusmaynaya halka lakala taagan yahay iyo talada wareersan

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2020 – Waxaa lakala jiidanayaa go’aamada ugu dambeeya ee laga gaarayo moodalka nooca doorasho ee la gelayo 2021-ka, taasoo ay keentay DF balse ay diiddan yihiin maamullada qaarkood. Haddaba 10-kan qodob ee arrimaha la isku hayo tusmaynaya.

1) Beesha caalamku waxay dib ula noqotay waraaqdii ay ku taageeri lahayd go’aankii tabarta yaraa oo madaxda maamul-goboleedyada ay ku gaareen Dhuusamareeb

2) Iyagu waxay markaas xushmeynayeen barlamaanka dowladda dhexe oo guddoomiyahoodu uusan ahayn nin ku qanacsan go’aamada ka soo baxay Dhuusamareeb

3) Garoonkii ay doorashadu ka dhici lahayd waxaa furayaalkeeda haysta dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

4) Sharciyaddii doorashada lagu geli lahaa, waxay u rahman tahay dowladda dhexe ee federaalka.

5) Labada guddoomiye ee aqalka sare iyo aqalka hoose waxaa dhex-yaal khilaaf oo heshiis kuma ahan dhanka ay wax u riixayso mowjadda siyaasadda dalka, gaar ahaan doorashada.

6) Fadhiga ay yeesheen madaxda maamul-goboleedyada, maahan mid mabaadi (Principle) laysugu yimid oo aqlabiyaddu ay guddoonku leedahay. Bal fadhigu waa mid ku dhisan muwaafaqo (Cosensus) oo haddii uu hal madaxwayne uu ka baxo, fadhigu waa burayaa.

7) Madaxwaynaha dowladda dhexe iyo ra’iisul-wasaaraha, qudhoodu, iyada oo ay laba bilood ka hartay muddadii xil-heynta barlamaanka, waxay weli dadwaynaha kala bakhaylayaan in ay la wadaagaan naqshadda lagu gelayo doorashada si ay gacan uga geystaan wixii kaga aaddan.

8) Beesha caalamka kharaj badan ayaa uga baxay dib u dhiska dowladda Soomaaliya. Gaar ahaan barnaamijka dimoqraadiyeynta ee doorashada dowladda dhexe. Baakadka lacagta ah oo arinkaas ku baxay wuxuu ka badan yaha 30 melyan oo dollar. Maahan arin la aqbali karo in natiijadu ay eber noqoto.

9) 20 melyan oo Soomaali u dhalatay ayaa doorashada February 2021-ka waxay u arkaan in ay astaan u tahay madaxbannaanidooda iyo dareenkooda dowladnimo. Dadkaasi ma doonayaan in la niyad-xumeeyo.

10) Marka ay xaaladdu sidaas tahay waxaa la yiraahdaa (Constitutional Crisis) oo waxaa loo nqodaa maxkamadda dastuuriga ah. Maxkamaddii caynkaas ahayd, dowlad walba oo timaadda waa ay is hor-taagtaa iyada oo ka cararaysa cadaaladda.

Awoowe Soomaaliyeed ayaa lahaa tix oranaysa:

Dhashaadey sugtaa xaajadaad, dhowrataa abide

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Hadalsame Media