Nin dhowaan gal ah oo halis wayn ku ah rajada soo noqosho ee Ilhaan Cumar (Arrin naadir ah oo u hirgashay)

0

(Minneapolis) 15 Luulyo 2020 – Malaayiin doollar ayaa ku qulqulaysa degmo doorashada 5-aad ee Minnesota, halkaasoo ay dadka kasoo horjeeda gabadha Ilhan Omar ay lacag ku farraqayaan ninka la hardamaya ee dhowaan galka ah ee Antone Melton-Meaux.

Melton-Meaux, oo ay mihnaddiisu qarreen tahay, isla markiina sanadkii tegey kasoo muuqday madasha DFL, ayaa Star Tribune ugu faanay inuu ururiyey $3.2 milyan oo doollar intii u dhaxaysey Abriil ilaa Juun, isagoo sheegay inay khasnadda ugu hartay lacag dhan $2 milyna oo doollar kahor doorasho horaadka bilaabmaysa 11-ka Agoosto.

Wuxuu ka kharash badiyey Ilhaan, oo heshay $471,624 isla mudada uu sheegayo. waxayna guud ahaan haysataa $1,111,861 kahor doorasho horaadka, sida ay sheegeen dadka ku dhow ololeheeda.

Inuu qof dhowaan gal ihi ka kharash bato qof sii joogey, balse Ilhaan oo ka tirsan kooxda afarta gabdhood ee “The Squad” ayaa lafteedu dadaalaysa, iyadoo ku fiican lacag ururinta.

Yeelkeede, Ilhaan oo ay marar badan is qabteen Donald Trump, isla markaana lagu qabsaday taweet-yo hore oo ka dhan ah Israel, ayay taasi waxay bartilmaameed sahlan uga dhigtay kooxaha xag-jirka ah iyo kuwa muxaafidka ah ee cunsuriga ah., kuwaasoo ku dadaalaya inaysan soo noqon.

Hadalsame Media