RASMI: AC Milan oo si rasmi ah ula wareegtey daafaca Simon Kjaer

0

(Milano) 15 Luulyo 2020 – AC Milan ayaa si rasmi ah u iibsatey daafaca Simon Kjaer oo ay si rigli ah ugala soo wareegeen Sevilla oo ka siisay adduun dhan €3.5m.

War kasoo baxay Milan oo lagu faafiyey webka kooxda AC Milan ayaa lagu xaqiijiyey inuu laacibku Milan la sii joogayo ugu yaraan ilaa Juun 2022-ka.

31-jirkan ayaa bishii Jannaayo amaah uga yimi Sevilla si uu u bedelo Mattia Caldara, oo ku laabtay Atalanta.

Wuxuu ilaa mudadaa 13 kulan u saftay Rossoneri tartamada oo dhan, isagoo noqday jaalka rasmiga ah ee qalbiga difaaca ku wehliya Alessio Romagnol.

Kjaer ayaa sidaa ku noqonaya laacibkii 2-aad ee ay AC Milan si rigli ah ula wareegto kaddib laacib yaraha Alexis Saelemaekers.

Hadalsame Media