QM: ”Maxamed Bin Salmaan waa eedaysanaha 1-aad ee loo haysto khaarajintii Jamaal Khashuuqji”

0

(New York) 12 Luulyo 2020 – Sarkaal sare oo ka tirsan QM ayaa sheegtay in dhaxal sugaha Mohammed bin Salman (MBS) uu yahay la tuhunsanaha koowaad ee loo haysto dilkii khaarajiska ahaa ee weriye Jamal Khashoggi oo Istanbul lagu qalay kaddibna lagu dhex kariyey Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaaladaasi 2018-kii, sida ay qoreeyso Anadolu Agency.

Waraysi uu siiyey Anadolu Agency, wuxuu ka warbixiyaha QM ee dilalka xeerka ka baxsan, Agnes Callamard, sheegtay in waloow aysan weli caddayn daqiiq ah haynin, uu misna MBS yahay eedaysanaha 1-aad, marka la eego inuu yahay ninka dejiyey ee amray qorshaha lagu khaarajiyey Khashuuqji.

Callamard, oo sidoo kale ah qarreen u doodda xuquuqda aadanaha, ayaa intaa raacisay inay hayaan caddayn duruufeed lagala dhex baxayo xaqiiqada ah in wax aanu isagu (MBS) raalli ka ahayn aysan ka dheceen Qunsuliyadda.

Waxay sheegtay in sababta ay Turkigu u fureen dacwad maxkamad oo la qabanayo “eedaynayaasha oo maqan” ay salka ku hayso ogaanshaha in aan Sucuudigu marna ogolaan doonin in dadkaa lagu maxkamadeeyo Turkiga.

Callamard ayaa sidoo kale sheegtay in dacwadda ka socota Turkigu ay ka cadaalisan tahay mid ”dhoodhoob” ah ee Sucuudiga laga sameeyey.

Dacwadda Turkiga oo bilaabatay 3-dii bishan Luulyo, ayaa waxaa lagu qaadayaa 20 eedaysane oo Sucuudi ah oo lagu tuhmayo dilkii Khashuuqji, kaasoo la diley in yar kaddib markii uu galay Qunsliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Maydkiisa oo la sheegay in deeto miinshaar danabeed lagu jarjaray oo foorno wayn lagu dubey ayaan abid il dib loo saarin, jeer ay dibedda ku sugaysey gabar u doonnayd oo Turki ah.

Dilka Khashuuqji ayaa aad u karaama tirtay MBS oo isu sawirayey nin isbeddel doon ah oo qorshe fiican u haya Sucuudiga, isagoo aan ilaa iminka samaynin wax micne leh, isagoo furay shaneemooyin, meelo lagu turbo ama lagu khamaaro iyo bandhigyo muusig ah oo uu fasaxay.

Hadalsame Media