2 caqabadood oo hor taagan inay WAKIILLO is dhaafsadaan Taiwan & Somaliland (Tillaabadaas oo hakad muddaysan la geliyey!)

0

(Taipei) 12 Luulyo 2020 – Qorshihii wakiil Taiwanese ah loogu soo diri lahaa Somaliland isla markaana ay Somaliland mid ugu dirsan lahayd Taipei ayaa hakad la geliyey cudurka COVID-19 dartii, sida uu sheegay ninka WAD Taiwan u qaabilsan Afrika, Ali Yang.

Somaliland oo 1991-kii sheegatay inay ka go’day Somalia inteeda kale, balse aan wax aqoonsi ah oo caalami ah gacan ku dhigin, ayaa beri dhowayd caddaysatay inay xiriir la samaysatay Taiwan oo ah dal horumarsan, balse ay isku maqaam yihiin dhanka aqoonsi la’aanta.

Yang ayaa intaa raacshey, in marka laga soo tago halista caabuq-sidaha caalamiga ah ee COVID-19, laftiisa, ay misna u xayiran yihiin duullimaadyada Somaliland iyo Dubai, oo ah wadiiqada qura ee toos ugu xirmi karta Taiwan.

Yang ayaa se ballan qaaday in labada wakiil ay toos uga howlgeli doonaan xarumaha la gudboon, isla marka uu dhamaado dhibka karoonaha ee dib loo furo duullimaadyadii caalamiga ahaa.

Lama oga inay intaa uun tahay iyo inay soo baxday cillad kale oo caalami ah, iyadoo uu indhaha shidanayo Shiinaha oo Taiwan u arka gobol iyada ka fallaagoobey.

Hadalsame Media