Xildhibaannada Puntland oo ku dhaqaaqay tillaabo aad loogu dhaliilay (Kuwa DF oo cilladdaa la qaba)

0

(Garoowe) 12 Luulyo 2020 – Wararka ka imanaya dhanka Garoowe ayaa sheegaya in Baarlaman goboleedka Maamulka Puntland uu ku gacan sayray soo jeedin khayri ahayd oo la hor dhigay.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xildhibaannada Baarlamanka laga laga codsaday in ay hal bil mushaharkooda ku caawiyaan dhismaha waddada isku xirta Ceel-daair iyo Ceerigaabo, balse ay diidmo uga jawaabeen.

Si aad sawir guud uga hesho, xildhibaannadan ayaa wadar ahaan bishii jeebka ku rita $169,000 oo doollar, taasoo loo qaybiyo 66-da Xildhibaan ee ku jira aqalkan Baarlamanka Puntland taasoo ka dhigan ku dhowaad 3,000 oo doollar + dhac dhac iyo gunnooyin, sida ay iyaguba sheegeen maanta.

Hay’adaha Federaalka ee Dowladda Dhexe ayaa iyaduna sidaa oo kale lacago badan oo aanu dalkuba soo saarin siisa dadka xilalka sare halkaa ka haya, iyadoo aanu ilaa iminka jirin siyaasi keenay qorshe arrintaa lagu saxayo oo lagu waafajinayo waaqica dhaqaale ee Somalia oo ka mid ah dalalka farsamo ahaan ugu saboolsan caalamka, xitaa haddii ay fursad ahaan taajir tahay.

Dalka Somalia oo kasoo kabanaya burbur muddo dheer ka jirey, ayay siyaasiyiinta sidii dulinkii ugu dul nool yihiin dadka, iyadoo kursiga macaash lagu doono, halkii lagu hagaajin lahaa maciishadda mashaqaysan ee mujtamaca Soomaaliyeed.

Hadalsame Media