DHEGEYSO: Dadka internet-ka ka dalbanaya adeegyada caafimaad ee Sweden oo rikoodhka jebiyey (Maxaa laga yeelayaa kuwa aan isticmaalin)

0

(Stockholm) 09 Luulyo 2020 – Tirada dadka gelaya bogga 1177 ayaa bishii Juun jebiyey rikoodh kasta oo horay u yaalley kaddib goortii la galay wax ka badan 7 milyan oo jeer, maadaama ay gobollo badani bilaabeen barista astamaha cudurka Covid-19.

Bishii Juun, in ka badan 1.7 milyan oo qofood oo Swedish ah ayaa galay 1177 in ka badan 7 milyan oo jeer, taasoo laba jeer ka badan dadkii galay bishii Juun ee sanadkii tegey, waxay sidoo kale ku dhowaad milyan dheer tahay dadkii bogga 1177 galay bishii Maarso markii uu bishii Maarso caabuqsidaha karoonuhu ka dilaacay dalka Sweden.

Arrintani waxay sare u qaadaysaa inay dad badani isticmaalaan adeegyada dhijitaalka ah mustaqbalka dhow, sida uu sheegayo Sven-Åke Svensson, madaxa isgaarsiinta iyo danabaynta caafimaadka ee Jönköpingslän.

Hadalsame Media