DHEGEYSO: Denmark oo karoonaha dartii dadka ku nool hal gobol oo Sweden ah xadka u furaysa!!

0

(Malmö) 08 Luulyo 2020 – Waxaa Sabtida lagu wadaa in la furo xadka Sweden iyo Denmark, balse waxaa kaliya lagu wadaa in la ogolaan doono dadka ku dhaqan gobolka Skåne oo ay hoos u dhacayaan kiisaska laga heley fayruska corona.

Hab-raacaasi wuxuu dhigayaa in kiisasku aanay todobaadkii dhaafin 29 kiis marka loo qaybiyo 100 kun oo qof, yeelkeede, Skåne waxay kiisasku todobaadkii tegey ahaayeen 9 kiis 100-kii kun ee qofba.

Hadalsame Media