DF Somalia & Maamulka Galmudug oo ogolaaday arrin iyaga weji gabax ku ah + Sawirro

0

(Dhuusamareeb) 08 Luulyo 2020 – Waxaa haatan nasoo gaaraya sawirrada unugyo ka tirsan Ciidamada Haramcad oo ka baxaya Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb, iyagoo halkaa lagaga qaaday diyaarad xamuul ah.

Cutubyadan oo ka tirsan Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, ayay diyaaradani u qaaday dhanka Muqdisho, waxaana ay ka kooban yihiin boqollaal askari.

Ujeedka ciidamadan halkaa loogu qaaday ayaa lagu saleeyey dalab ka yimid Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaasi oo ku dooday inay ”cabsi ka qabaan” inay carqalad kala kulmi karaan ciidamada Haramcad oo ka amar qaata DF.

Nimankan ayaa taa biddaalkeeda madaxda Galmudug ka dhaadhiciyey inay iyagu isku dardaraan malliishiyaad ay kala xukumaan oo sidaa amaanka ku sugaya, iyadoo uu halkaa durba gaarey MW Hirshabeelle.

Arrintan ayaa weji gabax ku ah Maamulka Galmudug iyo DF Somalia oo u hoggaansamey go’aan tusaale aan wanaagsan u ah dowlad dhisidda dalka, isla markaana dhiirri gelin karta hoggaamiye kooxeednimo iyo siyaasadihii lagu soo daaley.

Gaar ahaan, Maamulka Galmudug ayay ceeb ku tahay in loo yeeriyo sida ay u sugayaan amaanka ciddii u imanaysa amaba cidda ay u ogolaanayaan inay gobolkaa joogto, iyadoo ay DF gorgortan ka gashay inay ciidamadeedu joogaan gobollada dalka oo ah xuquuq dastuuri ah.

Hadalsame Media