SAWIRRO: Maraykanka oo sanka ka marmaraya Shiinaha (Dhoollatuskii ugu waynaa muddo 6 sano ah oo ka dhacay Badda Shiinaha)

0

(Badda Shiinaha) 07 Luulyo 2020 – Laba markab ciidan oo kuwa dayuuradaha xambaara ah ayaa markii ugu horreeysey lagu arkay iyagoo wada socday badda South China Sea laba maalmood uun kaddib markii ay Beijing ku gooddisey inay qarxinayso.

Labada markab ayaa kala ah USS Nimitz iyo USS Ronald Reagan ayaa waxaa la socotey raxan kale oo aan ahayn kuwa dayuuradaha xambaara balse la howlgala (strike groups), waxaana dhoollatuskan ka qayb galay dayuuradaha F-18 iyo duqeeyayaasha B-52.

Ciidamada Badda Maraykanku marna cudud intan la eg iskuguma keenin gobolkan tan iyo 2014-kii, goortaasoo ay halkaa humbaallayn ku mareen USS George Washington iyo USS Carl Vinson iyagoo is dhinac socda.

Yeelkeede, dhoollatuska sanadkan ayaa imanaya jeer ay kacsan tahay xiisadda gobolku, isla markaana uu Maraykanku eedda coronavirus iyo sida ay uga jawaabteyba uu dusha ka saarayo Shiinaha, iyadoo uu Donald Trump ku hanjabey dagaal ganacsi.

Maraykanka aya sidoo kale Beijing ku eedeeyey inay ka faa’iidaysanayso cudurka si ay u riixdo ajendayaal ay ka leedahay gobolka iyo bugcooyin ka baxsan oo caalamka ku baahsan.

Hadalsame Media