Goorta ay Aisha Romano ku dhalatay inay Muslimto, aayadda ay Qur’aanka ugu jeceshahay & su’aalo badan (Waraysigii ugu horreeyey)

0

(Milano) 06 Luulyo 2020 – Gabadha dhowaan soo islaamtay ee Aisha Silvia Romano yaa bixisay waraysigii ugu horreeyey ee rasmi ah ee ay uga hadlayso sida ay ku Islaamtay iyo waxa ku dhiirri geliyey iyo sida ay hadda ula qabsatay diinta ku cusub ee ay qaadatay.

Inta aan lagu afduudabnin kahor sidee diinta u arki jirtey?

Wax micne ah iima samayn jirin, waxaan iska raaci jirey hawadayda, farxaddayda iyo riyadayda.

Sidee u qeexi kartaa anshaxaagii xilligaas?

Hab-raaca aan ka haystey waxa sax ah iyo waxa khalad ah waxay ku xirnaayeen sida aan anigu wanaag ugu arko. Hadda waxaan arki karaa inay taasi khiyaali ahayd.

Muslimiinta ma la macaamili jirtey markii aad soo koreeysey?

Haa, xaafaddayda Muslimiin badan ayaa ku noolayd, balse nasiib xumo aragtidayda Muslimku kama duwanayn dadka kale ee aan waxba ka aqoon. Marka aan arko naag xijaaban waxaan u malayn jirey in la cabburinayo.

Dad Muslim ihi ma joogeen Chakama, tuuladii Kenya ee aad ka shaqaynaysey?

Haa, masaajid iyo Muslimiinba waa joogeen, balse igumay dhiirri gelin inaan usoo dhowaado diinta. Waxaa jirey saaxiib Muslim ah, waxaan arki jirey isaga iyo dadka kale oo masjidka u socda, gabdho yar yar oo xijaaban ayaan arki jirey balse ma danayn jirin.

Goorma ayaad bilowday inaad Alle u dhowaato? Ma jiraa mar aad maqashay wax kaa dhex hadlaya? Fikir waacigaaga ka dhex dhashay ama qalbigaaga?

Markii la i afduubtay, bilowgii socodka, waxaan bilaabay inaan fikiro, “Waxaan u imid mutadacnimo, waxaan samaynayey wax wanaagsan, maxay tani iigu dhacaysaa? Maxaan khalday? Ma iska dhacday uun inaan anigu noqday qofka la qafaashay? Maxaan gabar kale loo afduuban? Ma cid arrintan go’aamisey ayaa jirta?

Kuwaasi waa su’aalihi ugu horreeyey ee niyadeed ee Alle iisoo dhoweeyey. Kaddib, waxaa bilowday safarkayga ruuxida ah. Intii safarka lagu jirey waxaan is waydiiyey inay jaanis ahayd iyo inay calaf ahayd, waana tan aan ku dhibtooday. Ma haynin jawaabo, balse waxaan isku dayey inaan helo.

La soco qayb kale….

Hadalsame Media