Somaliland oo heshay 4 mashruuc oo muhim ah (3 dal oo heshiis la galay)

0

(Hargaysa) 05 Luulyo 2020 – Kaddib xiriirkii Taiwan, maamulka Somaliland ayaa soo xasiliyey mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah oo ay heshay dalal Yurub ah.

Dalalka UK, Denmark iyo Netherlands ayaa Somaliland la saxiixay heshiis lagu fulinayo afar mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo qayb ka ah wejiga labaad ee SDF.

Mashaariicdan oo ah kuwo ballaaran ayaa kala aha, sida aannu kasoo xiganney weriye Xasan Galaydh:

1 – Mashaariicdan ayaa kala ah dib u dhiska waddada isku xidha Berbera iyo Burco.

2 – Mashruuc lagu horumarinyo Beeralayda Awdal iyo Maroodi-jeex.

3 – Mashruuca balaarinta Biyaha Caasimadda Hargeysa ayaa ah mashruuca saddexaad.

4 – Mashruuca Afraad ayaa ah dhismaha Deked yar oo Kalluumaysi taas oo laga dhisayo magaalo xeebeedka Maydh ee gobolka Sanaag.

Saddexda Danjire ee Waddamadan u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariicdan lagu saleeyay Qorshaha horumarinta Qaran ee Somaliland.

Arrintan ayaa dabcan ka mid ahayd heshiisyadii lagu gaarey Jabuuti ee ahaa inaan la siyaasadaynin mashaariicda horumarineed sida kuwan.

Hadalsame Media