DF Somalia oo u yeertey Danjiraha Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho, nuxurka + Sawirro

0

(Muqdisho) 04 Luulyo 2020 – DF Somalia ayaa u yeertey Danjiraha Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho, si ay ula soo qaaddo arrimo ka dhexeeya labada dal, kuwaasoo la filayo inay ku jiraan arrinta Taiwan oo xiriir la samaysatay Somaliland, jeer ay labadan dalba ay labada hore u arkaan gobollo iyaga ka kala tirsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Shiinaha, Md Qin Jain, wuxuuna u bandhigay arrimo badan oo khuseeynaya labada dal oo aan intooda badan shacabka loo soo bandhigin.

Danjiraha Shiinaha ayaa lagu warramayaa inuu Madaxweyne Farmaajo la wadaagey sida ay Shiinuhu u diiddan yihiin inay Taiwan faraha lasoo gasho arrimo gudeedka Somalia isla markaana aanay ogolaanayn cid kasta oo sidoo kale taabata qarannimada iyo madax bannaanida Shiinaha.

Safaaradda Shiinaha ayaa beri dhowayd qoraal taxane ahaa oo hanjabaad, digniin iyo duurxul u badnaa soo dhigtay boggeeda Twitter, waloow aysan marnaba si cad u carrabaabin Somaliland, waxay sheegeen inaysan ogolayn ciddii, ururkii iyo kooxdii faragelisa arrimohooda.

Hadalsame Media