”Waxaa la iigu yeerey inaan shido FOORNADII lagu dubey Khashuuqji” – Nin Turki ah oo kashifay arrin aan horay loo ogayn

0

(Istanbul) 04 Luulyo 2020 – Nin ka tirsan shaqaalaha Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul ayaa shalay Maxkamad Turkiga ku taalla ka qiray in lagu amray inuu daaro foorno wayn saacad kaddib markii uu soo galay Jamaal Khashuuqji oo halkaa lagu qalay.

Zeki Demir, oo ah farsama yaqaan maxalli oo ka shaqeeya Qunsuliyadda, ayaa ka marqaati furayey dacwadda oo lagu qaadayo 20 eedaysane oo Sucuudiyaan ah oo misna wada maqan, iyadoo ay arrintani aad u dhaawacday sharafta Sucuudiga iyo Xaakim beenaadka Mohammed bin Salman.

Saraakiisha Turkish-ka ayaa sheegay in Jamaal Khashuuqji markii hore lagu neef qabatoomiyey bac madaxa ah loo geliyey kaddibna maydkiisa la googooyey oo lagu solay foorno wayn oo la qiyaasayo inay koronto ku shaqayso, iyadoo dersaanta laga arkayey qaac ka baxayey jimniga hawa-mareenka ah ee Qunsuliyadda.

Demir ayaana hadda maxkamadda u sheegay in loo yeerey kaddib markii uu Jamaal Khashuuqji Qunsuliyadda oo isaga u dhow soo galay 2-dii Oktoobar 2018-kii.

“Waxay ahaayeen 5-6 qofood … Waxayna i waydiisteen inaan shido foorno tandoor ah. Waxaa jirtey cabsi wayn,” ayuu yiri Demir.

Jamaal Khashuuqji, oo ah columnist ka tirsanaa Middle East Eye iyo Washington Post, ayaa lagu dabay waraaqo uu ka doonayey Qunsuliyadda, isagoo qaban qaabinayey guurka gabar Turki ahayd oo u doonnayd; Hatice Cengiz.

Demiir ayaa sheegay inay indhihiisu qabanayeen hilbo waawayn oo uu midabkoodu doorsoon yahay, kaddib markii kiimiko lagu dhaqay.

Nin kale oo ahaa Darawalka Qunsulka ayaa sheegay in markaa kahor loo diray inuu soo iibiyo kabaab ceeriin ah, iyadoo uu Demir sheegay inuu isagu doonayey inuu caawiyo gaariga Qunsulka oo isaga oo ay muraayado mad madoow u dallacan yihiin soo gelayey garaashka Qunsuliyadda, balse lagu amray inuu jardiinada dambe dhaqse uga boxo.

18 qof ayaa la sheegay in diyaarad gaar ah looga keenay Riyaad 18 nin oo la sheegay inay fuliyeen dilkan oo horay loo qorsheeey. Cengiz, oo Khashuuqji iyada oo khabar daar ah dibedda ku sugaysey ayaa sheegtay inaysan ka hari doonin inay cadaalad u hesho “gudaha Turkiga iyo dibeddiisaba.”

Hadalsame Media