”Waa beentood!” – Faransiiska oo sheegay inuu Turkigu ku ”ciilciilay” Badda Dhexe & Turkiga oo jawaab kulul ka bixiyey

0

(Berlin) 03 Juun 2020 – Wasiir Dibadeedka Turkey, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa Faransiiska ka dalbaday inuu raalli gelin ka bixiyo “sheegashada beenta ah” ee ku saabsan inay maraakiib dagaal oo uu Turkigu leeyahay ay handadeen mid Faransiis ah, xilli ay sii kordhayso xiisadda labadan dal ee NATO ka tirsan.

“In uu Faransiisku been naga sheego aqbali mayno waxaana ka rajaynaynaa inay bixiyaan raalli gelin aan shuruudi ku xirnayn,” ayuu Çavuşoğlu ka yiri shir jaraaa’id mar uu booqday Berlin shalay.

Faransiiska ayaa NATO u gudbiyey ashtako ku aaddan inay handadaad adag kala kulmeen maraakiib dagaal oo Turkish ah mar uu markabka Faransiiska ah ee Courbet isku dayey inuu baaro markab xamuul u sidey Libya oo marayey Badda Dhexe.

Markabkan ayaa 10-kii Juun isaga oo u humbaallaynaya markab sita calanka Tanzania balse u rarnaa Turkiga, waxaa kusoo baxay 3 markab dagaal oo Turki ah, kuwaasoo ku wargeliyey inuu faraha kala boxo baaritaanka markabka, sidaa ayuuna amarkii u qaatay frigate-ka Courbet oo ka tirsan maraakiib ay Midowga Yurub ku go’doominayaan Libya, balse Turkiga ayaa diidey inuu huruufey markabka Faraniiska.

“France run uma sheegin Midowga Yurub iyo NATO,” ayuu yiri Çavuşoğlu oo sheegay inay warbixin u direen NATO oo iyaduna sheegtay in aysan faafinayn waxa ku qoran iyo go’aanka laga qaatay, haddiiba laga qaatay, maadaama ay ”sir” tahay.

Hadalsame Media