Turkish Airlines oo dib u bilaabaysa duullimaadyadii Muqdisho (Xilliga la bilaabayo Nairobi, Addis oo la shaaciyey)

0

(Istanbul) 03 Luulyo 2020 – Turkish Airlines ayaa qorshaynaysa inay soo celiso duullimaadyadeedii ay ku tegi jirtey magaalooyin badan oo Afrika ah oo ay ku jirto Muqdisho, wixii ka bilowda todobaadka soo aaddan.

Dayuuradda ayaa durba Arbacadii bilowday inay u duusho magaalada Qaahira, waxaana ku xiga 3 maalmood todobaadkii oo Nairobi ah oo ay bilaabayso 10-ka Luulyo, iyo Addis Ababa 13-ka Luulyo, iyadoo sidoo kale soo celinaysa duullimaadyadii dalal Yurub ah sida Talyaaniga iyo Bulgaria marka la gaaro Arbacada, waxayna duullimaadyada caalamiga ah bilowday 11-kii Juun.

Turkish Airlines ayaa hakisay dhamaanba duullimaadyadii caalamiga ahaa 27-kii Maarso, cudurka Covid-19 dartii.

Waloow aysan weli rasmi ahayn, waxaa ay warar ku dhow dhow shirkaddu sheegayaan inay Muqdisho u duulayso wixii gaara 12-ka Luulyo, iyadoo halkaa tegeysa 3 maalmood todobaadkii, sida Arbacada, Jimcaha iyo Sabtiga. Duullimaad rasmi ah oo Muqdisho ah waxaa ugu dambeeyey 17-kii Maarso.

Turkis Airlines oo ay 49% saamigeeda leedahay dowladda Turkigu, waa dayuurad caalami ah middii ugu horreeysey ee Muqdisho tagta kaddib burburkii 1991-kii.

Hadalsame Media