Gabdho xusayey 1-da Luulyo oo Jigjiga lagu xirxirey & wiil kale oo safar ahaa oo Gebiley lagu qabtay

0

(Jigjiga) 02 Luulyo 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Dowladda Gobolka Soomaalida ay Itoobiya maamusho ayaa sheegaya in halkaa lagu xirxirey gabdho Soomaaliyeed.

Waxaa la sheegayaa inay Booliisku xireen 8 gabdhood oo duleedka magaalada Jigjiga ku xusayey maalinta Xornimada iyo midnimada Soomaaliya ee 1-da Luulyo, sida ay sheegayaan ilaha maxalliga ihi.

Maamulka Gobolka Soomaalida ayaa tan iyo markii uu xilka Madaxtinnimada qabtay Md Mustafe Cagjar, wuxuu ahaa mid soo nooleeyey haybta Soomaalinnimada oo uu aad ula dagaallami jirey ninkii isaga ka horreeyey.

Dhanka kale, wararka ka imanaya magaalada Gebiley ee ku taalla galbeedka maamulka Somaliland, ayaa waxaa la sheegayaa in xalay lagu xirey nin socoto ama safar ahaa oo gashnaa funaanadda tuutaha isboortiga ee Xulka Qaranka oo ka samaysan midabka calanka Somalia, isla markaana ay ku qoran tahay Somalia.

Booliisku ma sheegin waxa ay taasi u dhimayso qaddiyada Somaliland oo sheegta inay ka go’ay Somalia.

Hadalsame Media