Shiinaha oo hanjabaad & dhega hadal iskugu daray Maamulka Somaliland (War rasmi ah oo uu soo saaray)

0

(Muqdisho) 01 Luulyo 2020 – Safaaradda Shiinaha ee Somalia ayaa lahjadda ugu adag uga hadashay hadal u muuqdey duurxul ku socda Taiwan & Somaliland oo sheegay inay ergo isu dirsanayaan kaddib kulan ku dhex maray Taipei, caasimadda Taiwan.

”Waxaa jira hal China. Taiwan waa qayb ka mid ah China isla markaana Dowladda Shiinuhu waa midda qura ee sharci ah ee wada metesha Shiinaha oo idil,” ayaa lagu bilaabay warka Safaaradda oo ka koobnaa tweet-yo xiriir ahaa.

”Marna qof, urur, ama xisbi siyaasadeed kama ogolaan doonno inuu qayb yar ka jaro gayiga Shiinaha xilli kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb aan laga qaadi karin Shiinaha,” ayay daba dhigeen, war u eg duurxul ku socda Somaliland oo aan la magacaabin.

”Siyaasadda hal Shiine waa damaca Shiinaha. Si loo xaqiijiyo midowga buuxa ee Shiinaha, dadka Shiinaha oo ah 1.4 bilyan waxay si adag u ilaalinayaan madax bannaanida qaranka iyo midda gayi.#Somali

”Si cad baannu uga soo horjeednaa laba Shiine iyo madax bannaanida Taiwan iyo quwadaha gooni goosadka ah ee u ololeeynaya madax bannaanida Taiwan iyo howlohooda gooni goosad.” ayaa lagu soo af jaray war si toos ah ugu socda maamulka Somaliland.

Maadaama ay warkan soo saartay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, waxaa cad inuu Shiinuhu aad uga caroodey dhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Somaliland, iyadoo uu Shiinuhu neceb yahay dalkii la macaamila Taiwan.

Saxaafadda Taiwan ayaa qortay in Somaliland ay muddaba xiriir la lahayd, balse ay qarinaysey, iyagoo sheegay inaysan garanayn sababta ay u qarinayso.

Hadalsame Media