MW Sicidi Deni maka baaqsanayaa shirka Muqdisho, maxaase ka dhalan kara? (Siyaasiyiin qar iska tuur ku tilmaamay warkii…)

0
????????????????????????????????????

(Garoowe) 30 Juun 2020 – Baarlamaanka Puntland ayaa shalay go’aamiyey in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uusan ka qeybgalin wada hadalada loo madlan yahay ee 5ta bisha July ka furmaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhexmaraya Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya & kuwa maamul gobaleedyada loogana hadlayo howlaha la xariira doorashooyinka, Amniga Qaranka & Mashaariicda horumarinta ee dalka.

Baarlamaanka sababo cad ma sheegin, waxayse sheegeen in ansixintii baarlamaanka ee xubnaha Mataalada gobalka Banaadir ay ahayd sharci darro, loona baahan yahay in la saxo kahorna uusan tagin Karin Madaxweyne Deni madasha wada hadalka.

Siyaasiin badan ayaa dhaliilay go`aanka baarlamaanka oo ay sheegeen in uu ahaa mid ay ka dambeysay Xukuumaddu oo ay abaabushay iyadu, waxaana talaabadaas loo arkay in ay tahay qar iska xoornimo siyaasadeed oo markale soo wajahday.

Madaxweyne Deni ma shaacin ilaa hadda in uu tagayo wada hadalka Muqdisho oo uu jeedin doono doonista Puntland iyo in uu ka baaqsan doono oo maamulkiisa oo wax tabanaya aysan geynin fagaaraha wada hadalka ee qadiyadan looga hadlayo.

Ka sokow, in warar ku dhaw Madaxweyne Deni ay sheegayan in uusan aadeyn magaalada Muqdisho, kana baaqsanayo wada hadalka Muqdisho, haddana maahan kuwa ilaa hadda ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.

Warar ayaa sheegaya in maalinta Khamiista ah ay Puntland shaacin doonto go`aamadeeda ku wajahan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaana shirka loo madlan yahay 5da bisha July oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

Isha: Puntland Times

Hadalsame Media