Itoobiyaanka oo sharaysta mar kasta oo ay bisha Juun u bilaabato maalin ISNIIN ah! (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 30 Juun 2020 – Itoobiya & Bisha June, Maxaa ku duugan? Qaar kamid ah dadka Itoobiyaanka ah ee Qowmiyadaha kala duwan leh, waxay ii sheegeen marar badan in Bisha Sane/June haddii ay bilowgeeda ku bilaabato Isniin ay u aqoonsadaan bil madow, oo ay taxadar dheeraad ah muujiyaanm, si aad ahna wey uga ducaystaan

Bisha Sane/June, sannad kasta oo ay Isniin ku bilaabatay Itoobiya waxaa ka dhacay Afgambi, Dilal qorsheysan, Abaaro, Boqoro la dilay, Daganaansho la’aan siyaasadeed iyo qowmiyada dagaalamay.

Sannad kasta bisha June, Itoobiya dhawrkii sannaba waxaa ka dhaca arrimo waa weyn , kuwa qorsheeya ficilada murugsana waxaa la aaminsan yahay in ay ku beegaan bisha June oo tan Itoobiya ku noqonaysa bisha SANE.

1- 23-kii June 2018, weerar abaabulan oo loo adeegsaday qaraxyo ayaa lagu weeraray Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo kusugnaa barxada caanka ah ee magaalada Addis Ababa.

2 – 28-kii June 2018, Isku day dil ayuu ka badbaaday Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaas oo ay maleegeen saraakiil sare oo katirsanaa ciidanka dalkaas.

3 – 5-tii June 2018, Hub fara badan oo laga soo galiyey Xaduuda Suudaan ay la wadaagto Itoobiya ayay qabteen laamaha Amniga.

4 – 23-kii June 2019, Waxa dhicisoobay Afgambigii ugu weynaa oo isku mar la doonayay in uu ka dhaco dalka Itoobiya, taladana lagu weydaariyo RW Abiy Ahmed.

5- 23-kii June 2019, Waxaa la dilay Madaxweynihii gobalka Amxaaradda, Garyaqankii guud, Taliyihii ciidamada Itoobiya & Jeneraalo kale oo muhii mahaa.

6 – 29 June 2020, Waxaa xalay lagu dilay Addis Ababa Fanaan muhiim u ahaa Qowmiyada Oromada oo qeyb ka ahaa Kacdoonkii talada Itoobiya looga qaaday kooxdii Tigree-ga ee TPLF.

7 – 30 June 2020, Rabshado lagu beegsaday xarumo ay saarnaayeen Taalooyinka Madaxdii soo xukuntay Itoobiya oo u badan qowmiyada Amxaaradda ayaa la burburiyey, in kabadan 10 qof ayaa la dilay, sababo la xariira Fanaankii la dilay.

8 – 30 June 2020, Madaxda mucaaradka ee Oromada badankooda ayaa la xiray, qaarkooda ugu badan ayaa xabsi gurri la galiyey, sababo la xariira in laxakameeyo kacdoonka.

W; D: Faarax Cabdulqaadir Maxamed