HALIS CUSUB: Shiinaha oo laga helay FAYRUS nooc cusub ah oo caalamka ku faafi kara!

0

(Beijing) 30 Juun 2020 – Cilmi baarayaal Chinese ah ayaa helay nooc cusub oo ah hargabka doofaarka kaasoo dunida ku faafi kara, sida lagu qoray Akadamiyaha Qaran ee Sayniska Maraykanka.

Waloow ay khubaradu sheegeen inuusan fayruskani iminka halis dhow ku haynin aadahana, misna waxaa la sheegay in loo baahan yahay in isha lagu hayo is rogroggiisa maadaama u leeyahay “awood faafitaan,” sida ku qoran daraasadda oo ay sameeyeen jaamacadaha Shiinaha iyo Haya’adda Kahortagga Cudurrada Shiinaha.

Min 2011 ilaa 2018-kii, waxay cilmi baarayaashu sameeyey 30,000 oo tijaabo oo ay ku sameeyeen dhecaanka sanka doofaarradii lagu qalay 10 kawaan oo ku yaalla gobollada Shiinaha, iyagoo sidaa ku helay 179 nooc oo fayrus ah.

Waxaa fayrusyadaa ka mid ah “G4” oo uu hidde sidkiisu u taxan yahay H1N1 kaasoo leh astaamihii fayrus faafe ah, waxaana dhowr mar lagu tijaabiyey Dabagaalle, kaasoo lasoo baxay qandho hargab oo la mid ah midda insaanka.

Waxaa sidaa lagu ogaadey in G4 uu yahay midka ugu faafi og, isagoo ka xoog batay noocyadii kale ee lagu tijaabiyey Dabagaallaha, waxaa kale oo la ogaadey in lid-jireedkii ay lasoo bexeen dadkii ka shaqaynayey kawaannadan uu waxba ka teri waayey nooca G4, waxaa sidaa darteed, la amray in isha lagu hayo.

Dunida ayaa waxaa haatan dhulka ku haya fayruska Covid-19 oo ah nooc faafa oo sidaas oo kale usoo baxay, waloow aan weli asalkiisa la isku raacin.

Hadalsame Media