Caalamka oo isha ku haya Turkiga oo yeeshay Ciidanka Badeed ee ugu xoogga Badda Dhexe + Sawirro

0

(Ankara) 30 Juun 2020 – Qorshaha fog ee Ankara ayaa la sheegay inuu yahay inay yeelato ciidan badeed xoog badan, waxayna taa durba ka muujisay xeebaha Bariga Badda Dhexe.Waloow ay Turkigu muddo dheer oo 60 sanadood ka badan ay ka tirsanayd gaashaanbuurta NATO, misna intii uu jirey hoggaanka MW Recep Tayyip Erdogan, waxay Ankara ku guulaysatey inay noqoto dal leh wax soo saar ciidan oo maxalli ah.

Waxay beri dhowayd u babac dhigeen ciidamada badda Faransiiska, Giriigga iyo Masar oo u dhowaan waayey maraakiibta Turkiga ee u raran dhanka Libya, halkaasoo uu sidoo kale kula xafiiltamayo Ruushka.

Waxay Ciidanka Badda Turkigu haatan ka mid yihiin 10-ka ciidan badeed ee calaamka ugu xooggan, iyagoo dhista qaar badan oo ka mid ah maraakiibteeda.

Ankara ayaa bedeshey koorsadii uu ku socdey dagaalka Libya kaddib markii ay ka gaartey Ciidamada GNA ee dowladda Libya oo ay burbursanayeen kuwa LNA oo taageero ka helayey ilaa 5 dal, balse waxay Ciidankeeda badda dhigtay bariga Badda Dhexe, iyadoo kaddib hub casri ah oo ay iyadu samaysay sida daroonno 3 nooc ah kuwa qalabaysay kuwa GNA ee Tripoli.

Turkiga ayaa sidoo kale cududdan badeed ee uu lasoo baxay kaga faa’iidaystey inuu ku dhacsado xuquuqdiisa bariga Badda Dhexe oo uu durba ka bilaabay inuu gaas ka baaro.

Turkey oo ah dalka 2-aad ee ugu ciidan ballaaran dhamaanba Gaashaanbuurta NATO, iyada oo uu ka horreeyo Maraykanka oo qura, ayaa wuxuu dalalka gobolka ee Badda Dhexe oo ay Israel ku jirto uga dheereeyey dhanka cududda badda, waxayna dhisanayaan maraakiibta muhimka ah ee dayuuradaha xambaara.

Tusaale, Ankara waxay leedahay 112 markab dagaal, iyadoo ku dari rabta 24 kale, kuwaasoo ay ku jiraan 4 frigate, kahor inta aan la gaarin xuska maalinta sanad-guurada 100-aad ee Jamhuuriyadda Turkiga oo ku beegan 2023-ka.

Markabkii ugu horreeyey ee dayuuradaha xambaara ee ay Turkigu dhistaan oo yaalla khoorka maraakiibta lagu dhiso ee Tuzla ee Istanbul, Nofember 2019.
MW Recep Tayyip Erdogan, dhexda hoos, oo kormeeraya markab cusub oo dagaal oo lagu dhisay Tuzla, Istanbul Luulyo 3, 2017.
Markabka shidaalka baara ee Yavuz oo uu ilaalinayo markab dagaal oo uu Turkigu leeyahay oo ka baxaya marinka Marmara.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media