Inta mar ee ay Muqdisho dhegeysatey Maamulka Puntland & marka qura ee ay Muqdisho wax u baahatay…

0

(Hadalsame) 29 Juun 2020 – Reer Puntland wexey yiraahdeen waa in la qaato dalkana looga dhaqmo nidaam federaal ah, waa laga aqbalay.

Wexey yiraahdeen waa in lagu shaqeeyo 18kii gobol ee uu M S Barre u qeybiyay dalka, waa laga aqbalay.

Wexey diideen inuu Madaxweyne Sharif Shekh Axmad Hiiraan u qeybiyo laba gobol, waa laga aqbalay.

Maantana wexey la soo shir tageen shacabka Banadir xaq kuma laha dalka, wexey weliba ku goodiyeen iney haddii Banadir wax matalaad ah laga siiyo Aqalka Sare iney gooni u istaagi doonaan.

Markey guddigii labada aqal soo gudbiyeen in Banadir la siiyo 7 xubnood ma eysan oran yeeli meyno, markii la yiri 13 ayey Banadir yeelaneysaana waa ayaga cirka ka soo dhacay. Maxey midda hore uga qeylin waayeen? Sow lama oran karo wexey is lahaayeen toddobada wey isku dili doonaan, siyaasad ahaanna aad bey Reer Banaadir u kala fogaan doonaan.

Hadda taa waa laga yimid. Xildhibaannadii Soomaaliya ayaa Reer Banadir xisaab macquul ah u qoondeeyay, weyna ku qanacsan yihiin. Cid arrintaa wax ka beddeli kartana ma jirto.

Waxaan talo ugu soo jeedinayaa Reer Puntland in aaney dulmin shacabka saddexda malyan ah ee deggan Gobolka Banadir ee maanta helay xaqoodii.

Wabillahi towfiiq

Waxaa Qoray: Cali C. Cosoble

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media