Qoraal aad u kooban oo CIBRO ugu filan siyaasi kasta oo Soomaaliyeed (Fadlan akhri oo faham)

0

(Hadalsame) 29 Juun 2020 – ”Waxay u malaynayaan haddaanu aamusno in arrintu dhamaatay. Wey khaldanyihiin! Haddaanu aamusno taariikhdu aamusi meyso. Haddii taariikhdu aamustana, xaqiiqdu aamusimeyso.

”Waxay u maleeyaan hadeey naga fakadaan in arrintu dhamaatay. Sidaas ma aha! Haddey naga fakadaan, dembiga damiirkoodu dareemo kama fakan karaan! Haddii ay damiirkooda ka fakadaanna, taariikhda ciqaabteeda kama fakan karaan. Xitaa haddey ciqaabta taariikhda ka fakadaanna, ciqaabtii Ilaahay kama fakan karaan!”

Hadalkaas waxaa laga weriyey hogaamiyihii Turkiga ahaa, ee mufakirka ahaa, Prof. Dr. Necmettin Erbakan, Ilaahay ha u naxariisto, annagoo nool ayaanuna aragnay in taariikhda iyo xaqiiqduba abaalkooda mariyeen kuwii Turkiga la haray ee horseedka siyaasadda (Political elites) isku sheegayey.

Waxayna cibra u tahay cid kasta oo ummad dhan intey xaqeeda duudsiido, misna u malaysa inay ciqaabta iyo xisaabta ka fakan karto!!

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media