QM oo qaab ”dabaal jooglayn ah” usoo dhoweysey hindisaha ”hal qof & hal cod” & siyaasiyiin durba ka biya diidey

0

(Muqdisho) 28 Juun 2020 – Xafiiska QM ugu qaybsan arrimaha Somalia ee UNSOM ayaa qaab dabaal jooglayn ah usoo dhoweeyey hindisihii ay shalay soo bandhigeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka oo sheegay inay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah.

Bogga Twitter-ka ee UNSOM ayaa lagu qoray hadal u dhignaa sidatan: ”Maaadaama uu Guddoonka NIEC Somalia ee Xaliimo ay soo gudbisey dookhyada doorasho wuxuu xafiiska QM ee Somalia dhinacyada kala hoggaamiya siyaasadda ku boorrinayaa inay ku heshiiyaan kulanka madlan ee madaxda DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada oo ah tillaabada xigta.”

Xafiiska UN ayaa waxaa maamula Ergayga Gaarka ah ee QM u fadhiya Somalia, James Swan, waxaana durba warkan ka hor yimid siyaasiyiinta qaar oo u arkay mid uu ugu ducaynayo qorshaha uu shalay keenay Guddiga Doorashooyinku, waloow aanu qoraalka ku caddayn wax taageero ah.

Siyaasiga Cali Xaaji Warsame ayaa UNSOM ku eedeeyey in aanu wax tillaabo ah ka qaadanin arrimo badan oo la isku khilaafsan yahay, isagoo sheegay in hadda ”xaalad qasan la dhex fadhiyo” isla markaana Baarlamanka Dhexe ku tilmaamay ”hay’ad aan xor ahayn”, waloow uusan xafiiska UNSOM xaq u lahayn inuu wax u yeeriyo DF Somalia oo ah hay’ad madax bannaan.

Hadalsame Media