DAAWO: Baarlamanka Puntland xaq ma u leeyahay inuu ka hadlo arrimaha maxalliga ah ee gobol kale oo Somalia ka tirsan? (Go’aan ay kasoo saari rabaan…)

0

(Garoowe) 28 Juun 2020 – Wararka ka imanaya Garoowe ayaa sheegaya in Baarlamanka Puntland ay maanta si aad uga dooddeen metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, taasoo ay aad u diidanaayeen, balse meel martay.

Mudanayaasha qaarkood oo Gole-goboleedka ka dhex hadlay ayaa ku eedeeyey DFS, Madasha Xisbiyada, maamullada HirShabeelle, KGS iyo Galmudug ku eedeeyey in ay faquuqayaan Puntland iyo Jubbaland.

Xildhibaannada qaarkood ayaa xitaa sida warku sheegayo sooba jeediyey in ay ”Puntland ka tashato Soomaaliya” isla markaasna ku dhawaaqdo ‘madax-banaani”, sida ay hadalka u yiraahdeen.

Wararku waxay intaa raacinayaan in Baarlamanka Puntland uu soo saari doono go’aan ka dhan ah metelaadda Gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale laga yaabaa inay iyaduna war soo saarto xukuumadda Puntland.

Sharciyan Baarlamanka Puntland waa hay’ad maxalli ah oo sharci dejinta ugu qaybsan Maamul-goboleedka Puntland oo qura, sidaa darteed xaq iyo sharciyad (madate) uma laha inuu ka hadlo arrinta gobol kale iyo aayaha dadka ku nool, sida aanu Gobolka Banaadirba xaq ugu lahayn inuu ka hadlo arrimaha hoose ee Puntland, metelaadda Gobolka Banaadirna aysan ahayn arrin heer qaran ah ee ay tahay mid maxalli ah oo khuseeysa qofkii Banaadir ku nool, wixii heer qaran ahna waxaa gobollada ku metela xildhibaanno ku kala jira hay’aadka DF Somalia.

Wixii ku saabsan diidmada ama yeelista go’aanka Baarlamanka Dhexe waxaa kaliya lagu diidi karaa geeddi socod siyaasadeed sharci ku fadhiya oo ka dhex dhaca isla hay’aadka DF Somalia.

Halkan hoose ka daawo xildhibaannada oo ay qaarkood jeedinayaan hadallo jaa’ifo iyo aflagaaddo ah oo aan ku haboonayn madal baarlamaan iyo halka loola dan leeyahay intaba.

Hadalsame Media