DEG DEG: Ingiriiska & Midowga Yurub oo soo dhoweeyey qabashada doorasho ”qof & cod ah”

0

(Muqdisho) 28 Juun 2020 – Danjiraha Britain u fadhiya dalka Somalia, Md Ben Fender, ayaa soo dhoweeyey moodalka doorasho ee ay keeneen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka ee NIEC.

Guddiga ayaa shalay soo jeediyey laba dookh oo lagu diiwaan geliyo dadka codaynaya oo uu midka gacantu qaadanayo 9 bilood midka elektaroonigga ihina qaadaayo 13 bilood, marka laga tiriyo bisha Luulyo ee bilan rabta.

Danjire Fender ayaa soo qoray: ”Waxaan ku faraxsan ahay in la xaqiijiyey doorasho toos ah oo qof iyo cod ah oo dhacaysa horraanta 2021 (oo ah midda laga bixi karo),” ayuu yiri.

”Waxaan soo dhowaynayaa kulanka madaxda DF Somalia iyo Maamullada inuu ku dhoco sida ugu dhaqsaha badan, si xeer jajab looga gaaro jidka sugaya, lana dhamaystiro arrimaha xisbiyad.” ayuu daba dhigay.

Waxaa horay si woxoogaa taxaddar ka muuqdo isla arrintan usoo dhoweeyey Danjiraha QM ee Somalia, Md James Swan.

Sidoo kale Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa isna u hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku baaqay is afgarad siyaasadeed oo ay dhinacyadu u dhan yihiin.

Hadalsame Media