Ninka ku eedaysan dilka Xamdi Cabdullaahi oo gacanta lagu soo dhigay (Xogtiisa gaarka ah)

0

(Muqdisho) 25 Juun 2020 – War ka imanaya Muqdisho ayaa xaqiijinaya in lasoo qabtay askari loo haysto dilkii Xamdi Cabdullaahi oo xalay Xamar lagu toogtey iyada oo saarnayd mooto Bajaaj ay shaqada uga soo rawaxday, sida ay sheegayaan Ciidamada Booliisku.

Booliiska ayaa sheegay in askarigan eedaysanaha ah lagu magacaabo, Dable Cabdi Cali Guuleed, wuxuuna ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga Dalka ee SNA, lambarka diiwaankiisuna wuxuu yahay No:1272 XDLS.

Booliiska ayaa intaa raaciyey in tillaabada xigtaa ay noqon doonto in dacwad lagu soo oogo eedaysanaha oo maxkamad la saarayo, si looga qaado tillaabo sharci ah.

Marxuumad Xamdi ayaa la sheegay in ay ka shaqeynaysay meel wax lagu naash naasho oo la yiraahdo Warda Beuaty Care, waxa ayna ka rawaxday iyadoo Caafimaad qabta goobteeda shaqada.

Ha yeeshee Bajaajtii ay saarnayd oo mareysay agagaarka Wershada Caanaha ayaa mar kaliya waxaa rasaas ku riday nin lagu sheegay askari ka tirsan ciidanka DF iyada oo aanay jirin baahi taa keenaysey, waxaa ayna ka qabsatay madaxa oo Xamdi markiiba meesha ayay ku dhimatay oo nafi dhulka lama dhicin.

Hadalsame Media