MOOWQIF AAMUSAN: Turkiga oo moowqif ”saluug” u eg ka qaatay wada hadalladii ugu dambeeyey ee Jabuuti (Arag ishaarada)

0

(Ankara) 24 Juun 2020 – Waxaa dhowaan Jabuuti ku qabsoomay kulan dhex maray madaxda DF Somalia iyo kuwa Maamulka Somaliland, waxaana loo ballansan yahay wareeg kale, iyada oo uu Maraykanku door ku lahaa shirkaasi.

Wada hadallada labada dal ayaa horay loogu qabtay meelo kala duwan sida Turkiga, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta, waxaanan dad xog ogaal ah oo shirka ka qayb galay uu Hadalsame Media waydiiyey, inta uu la eg yahay doorka Maraykanka, waxaana naloo sheegay inuu kaliya hubinayo in wax lagu heshiiyo, si loo sii amba qaado howlaha qaan cafinta, iskaashiga heer gobol iyo guud ahaan amaanka Geeska.

Yeelkeede, waxaa jirta ishaaro kale oo ka imanaysa dalka Turkiga. Danjirihii hore ee Turkiga ugu qaysanaa Somalia, Dr Olgan Bekar, ayaa bartiisa Twitter ka tirtiray xil uu ku magacownaa oo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wada xaajoodyada DF iyo Somaliland.

Sida sawirrada hoose ka muuqata, xilkaasi meesha wuu ka baxay iminka, balse waxaan caddayn in si caadi ah looga qaaday iyo inuu Turkigu saluugey ka reebitaanka looga saaray shirkii ugu dambeeyey oo uu Maraykanku door cusub ku yeeshay.

Dad badan ayaa qaba in DF Somalia ay ka fikirto inay madmadow geliso xiriirka Turkiga oo ah olog muhim ah waqti xaadirkan, iyada oo sidoo kale wadeeysa wada hadallada, maadaama inuu Turkigu shirka ka qayb galo aanay cidna wax u dhimaynin, iyada oo ay asaasi tahay in aan lagu colaadinin inuu ilaalinayo midnimada Somalia, maadaama aanay isaga ku xirnayn arrinta kala go’itaanka ama wada joogga Soomaalidu, balse ay ka tahay niyad wanaag uun.

Hadalsame Media