Bankiga Adduunka oo malaayiin doollar ku kabay miisaaniyadda DF Somalia (Waxa loogu tala galay)

0

(Washington, DC) 24 Juun 2020 – Guddiga Joogtada ah ee Bankiga Adduunka ayaa adduun dhan $55 milyan oo doollar oo la marinayo Barnaamijka Kaalmada Horumarineed ee IDA ugu deeqay Somalia, si loogu kaashado dib u habaynta siyaasadda maaliyadda iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Waxaa uu ujeedku yahay in lacagtan lagu xoojiyo maaraynta maaliyadda iyo kobaca ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Waxay lacagtani DF Somalia ka caawinaysaa in yareeyo saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka COVID-19 iyada oo lagu maalgelinayo siyaasadda maalgelinta barnaamijyada horumarinta ah (DPF), taasoo ka dhalatay dib u eegis lagu sameeyay miisaaniyaddii sanadkan 2020, si loola xaalo xasaradda dheeraadka ah ee Covid-19 oo u baahnayd jawaab celin qaran oo deg deg ah iyo bixinta adeegyo kala duwan.

“Lacagtan dheeraadka ihi waxay naga caawinaysaa in aannu kordhinno kharashaadka bulshada maadaama uu dakhliga maxalliga ihi hoos u dhacay 29%, isla markaana uu hoos u dhacay GDP-ka dalku 2.5% sanadkan 2020,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. Abdirahman Beileh.

Hadalsame Media