Aadan Ducaale oo ay arini ku adkaatay xilli ay dul saaran tahay seefta Ahuru

0

(Nairobi) 22 Juun 2020 – Maanta ayaa lagu wadaa in la qabto kullan wax looga badalayo hoggaanka sare ee xisbiga talada haya ee Kenya, Jubilee. Waxaana la hadal hayaa i xilka laga qaadi doono Aaden Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya.

Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo tan iyo doorashooyinkii 2013-kii ahaa hogaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka Kenya wuxuu markale wajahaya hubanti la’aan xilkiisa ah.

Bilowgii bishan ayey aheyd markii uu Aaden Barre ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.

Ducaale oo waqtigaas BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka.

“Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh….kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen… shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan.

Hadda maxaa soo kordhay?

Haatan waxa soo cusboonaysiiyay arrintan ayaa ah in madaxweynaha Kenya uu beri oo Isniin ah kulan isugu yeeray xubnaha baarlamaanka ku matala xisbigiisa.

Walow aanan la shaacin ajandaha shirkaasi, hasayeeshee kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Jubilee, Caleb Kositany, oo la hadlay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in ajandaha uu “iskacadyahay” uuna yahay in xilka laga qaado dadka loo malaynayo inay xulafo la yihiin Madaxweyne kuxigeenka Willam Ruto.

“Maalmahan xisbigu waxa uu xilka ka qaadaa dad kuwa kale oo aanan howl kar ahayn ayaana lagu badelaa, marka kulanka Isniinta kuwii hore waxba kagama duwanaanaayo. Waxay u badan tahay in hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aaden Barre Ducaale la tusi doono albaabka,” ayuu Caleb Kositany, u sheegay wargeyska Daily Nation.

Ben Momanyi oo ka mid ah ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya oo markii hore aad ugu dhawaan jiray madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay farriin u muuqanaysay inuu ku sagootinayo Aaden Barre Ducaale.

Xildhibaan Aaden Barre Ducaale waxaa kursiga hoggaanka aqlabiyadda baarlamaanka loo doortay doorashadii 2013-kii, waxaana mar kale waqtiga loo kordhiyay doorashadii 2017-kii.

Ducaale oo markii uu ka badbaaday mooshin la doonayay in xilka looga qaado BBCda la hadlay ayaa sheegay: “Toddobo sanno ayaan kursigan hayay. Inshaa-Allaah kuma fadhin dooni marka uu waqtiga dhammaado waan ka degayaa, waxaana ku wareejin doonaa qof kale.”

Khilaafka xisbiga Jubilee

Ducaale, Uhuru iyo Ruto
Lahaanshaha sawirka ADEN DUALE

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya xubnaha sarsare ee xisbiga ayaa soo shaacbaxay markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horraantii 2018 isgacanqaadeen hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa muddo dheer ku celceliyay in ay tahay in siyaasiyiinta xisbigiisa oo uu ugu horreeyo kuxigeenkiisa ay diirradda saaraan sidii ay ugala shaqeyn lahaayeen sidii uu uga guul gaari lahaa mashaariicdiisa uu taariikhda dalka ku geli lahaa ayna joojiyaan ololaha waqtigiisa laga soo hormaray.

Labadii sanadood ee ugu dambaysayna waxa ay warbaahinta gudaha tabinaysay in xiriirka madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa uu sii xumaanayay.

Khamiistii ayey aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto uu daahfuray wax u muuqanayay xarunta laga hagi doono ololaha doorashadiisa 2022, – taas oo uu u bixiyay Jubilee Asili Centre – arrintaas oo uu ku dhaqaaqay kaddib kulan uu la yeeshay xildhibaannada isaga taageersan.

Hasayeeshee Aaden Barre Ducaale ayaa meesha ka saaray in kala qeybsanaan uu soo kala dhexgalay xisbiga haya talada ee Jubilee kaas oo dhowaanahanba isbaddallo ku dhawaaqayay taas oo saamaysay dad magac ku lahaa siyaasadda.

DAILY NATION
Bogga hore ee wargeyska Daily Nation ee cadadkiisii shalay

Ducaale wuxuu ka mid ahaa 212 xildhibaan oo ka qeybgalay kullan uu Uhuru Kenyatta u qabtay xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii xilalka sare hayay ee kullankaas aan tagin ayaa shaqada laga tuuray.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashada soo socota marka la gaaro ay shaaca ka qaadi doonaan tallaabada xigta balse haatan ay ku howlan yihiin fullinta ballanqaadkii ay sameeyeen.

Aadan ducaale oo ka hadlay sida uu xil ka qaadista uga badbaaday

Haddaba Ducaale, maka badbaadi karaa isbaddallo kale oo lagu sameeyo xisbiga, wuxuu ku jawaabay: “Labo sanno ayaa soo hartay inta uu baarlamaanka dhammaanayo, labadaas sanno waxaan ku shaqeynayaa si daacad ah oo caddaalad ah, aniga oo waddankeyga ku shaqeynayo, fiirinayana danta guud ee waddanka, ayaan filayo in aan sii shaqeeyo labada sanno ee soo hartay”.

Ducaale oo sidoo kale ah xildhibaanka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya, marka laga soo tago madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Isha: BBC

Hadalsame Media