”Waa duullaan cad!” – Abraarro taangiyo xambaarsan oo ku qulqulaya xadka & Libya oo Masar uga digtey inay soo farageliso arrimeheeda

0

(Tripoli) 22 Juun 2020 – Dowladda Libya ee ay QM aqoonsan tahay ayaa sheegtay in faragelinta uu ku baaqay MW Masar ee Abdel-Fatah el-Sissi ay u aragto inuu dagaal u caddaysanayo dalka Libya.

“Warka MW Masar, ee u gooddinaya Libya, isla markaana taageeraya hoggaamiye kooxeed, maliishiyaad iyo calooshood u shaqaystayaal waa faragelin aan la aqbali karin iyo xadgudub ka dhan ah madax bannaanida Libya,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dowladda GNA.

MW Masar ayaa Sabtigii ka digey in haddii ay Ciidamada uu Turkigu taageerayo ay weeraraan magaalada istaraatijiga ah ee Sirte ama Saldhig Cireedka Jufra ay dhaafayaan wax uu ku sheegay ”khadka cas”, taasoo soo dedejinaysa faragelin toos ah oo ka timaada Masar.

Mohammed Ammry Zayed, oo ka mid ah Golaha Madaxtinimada Libya ayaa sheegay in warka Siisi uu ka dhigan yahay “sii wadista dagaal ka dhan ah dadka Libya.”

El-Sissi oo ka hadlayey Saldhig Cireedka Sidi Barrani oo ku yaalla Galbeedka Masar oo ah halka ay xadka kala leedahay Libya, ayaa sheegay inay hubaynayaan qabaa’ilka Libya si ay “u difaacaan dalkooda”, iyada oo ay madaxda qabaa’ilkaa qaarkood madasha joogeen.

Arrintan ayaanay wax dan ihi ugu jirin Libya, waxaana muuqata in Masaaridu ay jid kasta u qaadayso inay foowdayso Libya, haddii aanay suuragalayn inuu qabsado hoggaamiye kooxeedka ay taageerto ee Khaliifa Xaftar.

Masar ayaa abraarro tawaangi xambaarsan oo ay soo dirtay waxay kusii qulqulayeen dhanka xadba galbeed oo dhererkiisu gaarayo 1,200 KM.

Hadalsame Media