XOG: ”Anigu kuma jiro!” – MW Galmudug oo runta u sheegay dhiggiisa Puntland

0

(Garoowe) 21 Juun 2020 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, uu labadii habeen ee ugu dambeysey ku hurdo sheegay hindise siyaasadeed ay soo karisay Puntland isla markaana ay ku raacday Jubbaland, kaasoo ay ku ku diidan yihiin 4 xeer oo la hor geeyey Golaha Baarlamaanka DF Somalia, si loo dhamaystiro Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo dhowaan la saxiixay.

Deni ayaa la sheegay inuu telefoonka ku wacay Madaxweynayaasha Maamulladd qaar, sida Galmudug & Koonfur Galbeed, si uu uga raarido in moowqif lid ah laga qaato go’aankan hor yaalla Baarlamanka Dhexe ee Federaalka.

Yeelkeede, sida xogta lagu helayo labada maamul ayaa iska diidey soo jeedinta Deni, iyaga oo Deni u sheegay inaysan waxba ka faa’iidaynin inay khilaafaan DF Somalia, sidaa darteed, aanay waqti xaadirkan diyaar u ahayn arrintan.

Warka ayaa wuxuu intaa raacinayaa in uu wleiba Madaxweynaha Galmudug, Md Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor uu Deni u sheegay inuu doonayo inuu isku hayo dhamaanba dhinacyada kala duwan ee saamiga ku leh maamulkiisa oo aanu khilaaf doonaynin, sidoo kalena uusan wax dan ah ka lahayn inuu faraha la galo arrimaha u yaalla DF Somalia, taasoo aanu sharcigu u saamaxaynin.

Waxaa horay u hadlay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullahi Timacade oo sheegay inaysan Puntland diyaar u ahayn ka qaybgalka kulan uu ku baaqay MW Somalia, Md Maxamed Farmaajo, isagoo sheegay inuu ka qayb gelayo wax uu ku sheegay ”kulanka Aqalka Sare”, taasoo u muuqata foowdo, maadaama aanu Aqalku ahayn hay’ad maamul ee uu yahay hay’ad sharci dejineed.

Si kastaba, Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inuu soo raaco MW HirShabeelle oo ay muddo xileedkiisa 3 bilood uga hartay, iyaga oo soo wada saari doona moowqif diidmo ah, sida lagu wado. Dhanka kale, waxaa jira kulan ku saabsan amaanka Gaalkacyo oo ay dhici karto inuu dhexmaro Qoor-qoor iyo Deni.

Caadiyanna arrimaha doorashooyinka heer qaran, ma aha arrin ay shaqo ku leeyihiin ama wax laga waydiinayo maamullada, marka la eego nidaamka iyo dastuurka.

Hadalsame Media