Duqa Magaalada Garoowe oo keenay hindise qurux badan + Sawirro

0

(Garoowe) 21 Juun 2020 – Waxaa gebagebo soo gaarey bannaynta hareeraha laamiga dhex mara magaalada Garoowe iyo ballaarinta jidkaasi, iyadoo la jebiyey guryo badan oo soo galay halka laamiga la saarayo.

Waxaa iminka bilaabmaya wejiga xiga oo ah in dhiso laamiga oo intii hore ka toosan kana ballaaran, iyada oo la saarayo laami cusub, meeshana laga saarayo kii hore oo meelo badan ka burbursanaa.

Hindisaha laamigan lagu dhisay oo sida la sheegayo uu keenay Duqa Magaalada Garoowe, Axmed Siciid Muuse, ayaa waxaa inta badan maalgelinaya dadwaynaha magaalada, kuwaasoo lacago dheeraad ah oo qaaraan ah marinaya sharikaadka biyaha iyo korontada.

Arrintan ayaa ka dhigan qorshe ay bulshadu leedahay oo uu maamulku u agaasimey si qurux badan.

Soomaalida ayaa sanadahan dambe ku tartamaysa wax dhisidda iyo wax qurxinta, balse waxaa maamullada meel kasta oo ay joogaan lagu dhaliilaa inaysan maalgelin ku samaynin canshuuraha ay qaadaan, balse ay dadka laba jeer lacago ka qaadaan.

Sawirrada: Sharma’arke Dal-daare

Hadalsame Media