Imaaraadka oo eed kala dul dhacay OLOG ay aad iskugu dhowaayeen (Turkiga oo uu si dadban guul ugu qiray!)

0

(Abuu Dabeey) 19 Juun 2020 – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, ayaa dhaliil kala dul dhacay ologgiisa Khalifa Haftar kaddib dhowr guuldarro oo xiriir ah oo ay gaarsiiyeen Ciidamada GNA, sida ku dhigan Bloomberg.

Bloomberg ayaa qoraya in Gargash uu madal online ahayd ka sheegay in qaar ka mid ah “Asxaabta Abuu Dabeey ay qaateen go’aamo u gaar ah,” isagoo ula jeeda Yemen iyo Libya, oo uu Xaftar kaligii iska dhaqaaqay, sida uu yiri.

“Go’aamadan kalida ihi waxay keeneen khalad. Waa go’aamo aanad mararka qaar haysanin talada saaxiibbadaa.” ayuu daba dhigay Gargash.

Gargash ayaa sheegay in Imaaraadku ay taageeayaan hindisaha ama mubaadarada Masar iyo Guddoonka Baarlamanka Tobruk fadhiya ee Aqila Saleh, oo ah ninka ay doonayaan inay ku bedelaan Xaftarka sii fashilmaya.

Gargash ayaa sidoo kale Turkiga ku cambaareeyey taageerada  GNA isagoo sheegay in “Turkigu uu hadda yahay dalka qura ee diiddan xabad joojinta dagaalka Sirte”, taasoo u fasirmaysa qiritaan ku aaddan in lagaga adkaaday dagaalka Libya.

Waxaa xusid mudan in Xaftar, oo ay aad u maalgeliyaan Imaaraadka iyo dalal kale uu ahaa ninkii bilo kahor diiddanaa in la wada hadlo, isagoo xitaa diidey inuu dagaalka joojiyo inta lagu jiro bisha Ramadaanka, balse kaddib waxaa bilowday dagaal uu aad ugu jabay.

Masar ayaa sidoo kale beri dhowayd Imaaraadka ku eedeeysay inuu kaligii iska tashaday oo uu kaligii qaatay go’aamo khaldan.

Hadalsame Media