Sheekh bidhaamiyey arrin ay Soomaalidu CASHAR siyaasadeed & mid istraatijiyadeed ka baran karto (Arag qoraalkiisa)

0
Buildings stand in the skyline of downtown San Francisco, California, U.S., on Thursday, May 7, 2015. San Francisco Mayor Ed Lee will seek voter approval for the first housing bond since 1996 as his city becomes the least affordable U.S. housing market and uproar grows about gentrification fueled by the technology boom. Photographer: David Paul Morris/Bloomberg via Getty Images

(Hadalsame) 19 Juun 2020 – Xoogaa Ma Fekernaa?! Muhim ma aha yaad tahay? Yaa ku aqoonsan? Dhul intee haysataa? Calankaagu muxuu yahay? Waxaas iyo waxa la midka ah naash naash ayaa la yiraahdaa, ee dulucda ma aha!!

Dulucda Noloshu waxa weeye: Caqligaagu sidee u shaqeeyaa? Aqoontaadu intee leegtahay? Dhaqaale maxaad soo saartaa? Maxaad ka shaqaysaa? Qiyamka aad wax ku maamushaa waa maxay?

Tusaale haddaad rabto saaxiib: Gobolka California ee maraykanka ka mid ah: dhaqaalihiisu waa $ 3 trilyan oo doollar!!

Wuxuu ka dhaqaale badan yahay: Dawladda UK ($ 2.7 trilyan) oo calanka leh, oo ( Veto) UN ka ku leh! Dakhliga qoyska California celcelis waa: $70 kun, waa kan sagaalaad adduunka! dakhliga qofka UK waa: $41kun waa kan 20 aad!! California uma baahna in UN aqoonsado! Ama Guddoomiyaha Gobolka: Roog cas Rwanda loo goglo!!

Gobolka North Rhine ee Jarmalka ka mid ah, caasimaddiisu waa Dusseldorf (waxaan tegey 1986) dhaqaalihiisu waa 705 bilyan oo Euro! Wuxuu ka dhaqaale badan yahay: Dalka Netherland ama Holland oo calanka leh! dalalka yurubna ugu hormarsan!

Guddoomiyaha gobolka Rhine haddaan ku weydiiyo ma taqaanid! Aniguna ma aqaan! Isaguna uma baahna in cidi taqaanno!! Wuxuuse u baahanyahay in gobolka Rhine uu yaqaanno!!

Soomaalidu mexey u baahantahay? Bal adigu ku feker! Waa inoo mar kale inshallah!

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamed Idriis

Hadalsame Media