DHEGEYSO: Denmark oo kala xulanaysa gobollada Sweden (Gobolkee loo ogol yahay Denmark?)

0

(Hadalsame) 18 Juun 202012 qofood ayaa Sweden ugu dhimatay cudurka karoonaha 24-kii saacadood ee ina dhaafa, iyada oo ay geerida guudi marayso 5,053 qofood, balse Anders tegnell, Madaxa Hay’adda Daryeelka Caafimaadka, oo sidoo kale ah khabiir ku xeel dheer cudurrada faafa ayaa sheegay inay sweden iminka dalcaddii ka degtey oo ay hoobad ku jirto, kiisaskuna hoos u dhacayaan.

”Waxaanu baaris sameeynay Abriil kaddibna Maajo, sida aad arkaysaanna kiisaska cusubi waa yaaradeen,” ayuu yiri.

Denmark ayaa u diyaar garoobaysa inay xadka u furto dalal badan oo ka tiran MY marka la gaaro 27-ka bishan. 

Dalalka la fasaxayo waa kuwa ay 20 qof ka yar yihiin dadka cudurka karoonaha ka qaba 100-kii qofoodba, taasoo ah shuruud aanay buuxin karin Sweden iyo Portugal, balse gobollada Sweden ee uu heerka cudurku hooseeyo sida gobolka galbeed ee Skåneland oo xiga xadka Denmark ayaa loo fasaxi karaa inay Denmark tegi karaan. Dowladda ayaa qabanaysa shir jaraa’id oo ay arrintan ku faahfaahinayso.

Cudurka safmareenka ah ee Covid-19 ayaa cadaadis dheeri ah ku haya shaqaalaha goobaha caafimaadka, xitaa kuwooda aan tooska ula shaqeyn bukaan-socodka qaba koroonaha xilliga xagaaga maadaama uu guud ahaan shaqaaluhu yar yahay xagaaga isla markaana uu waqti badani ku baxayo bukaanka qaba covid-19.

Waxaa arrintaa laanta af-soomaaliga ee Radio Sweden u sheegtay Khadra Axmed oo ah kalkaaliso caafimaad oo la shaqeysa qaybta cudurada dhimirka ee cisbitaalka Näl ee magaalada Trollhättan.

Hadalsame Media