DHEGEYSO: ”Aabahay isaga dhiig qufacaya ayaa lagu yiri GURIGA JOOG!” – Qoyskii Sheekh Cabdiraxmaan oo waraysi murugo badan bixiyey + Muuqaal

0

(Gothenburg) 18 Juun 2020 – Gabadha Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Muxidiin Celi ayaa sheegtay in aabeheed uu dhiig qufacay, qandho aad u sarreeysana ay haysey isla markaana uu neefsigu ku adkaa, balse ay shaqaalaha caafimaadku ku dhiirrigeliyeen inuu guriga iska joogo oo lagula tacaalo Alvedon iyo dawada qufaca. Hiba Ismaaciil waa xaaskii uu ka geeriyoodey Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale arrintan uga sheekeeysay hilinka SvT. Halkan ka DAAWO…

Ugu dambayntii waxaa dhoolli ama aambalaas u yeertey gabadhiisa Xaliima oo sidoo kale muuqaal ay ka qabatay la wadaagtey hilinka SvT, waxaana la arkayaa Sheekha oo uu neeftu ku culus tahay, si deg deg ahna neefta u jiidaya, sidii qof dhimanaya oo kale.

Waxaa la sheegay in xilligaas ay boqolleeyda ogsijiinta dhiiggiisu ay hoos ugu dhacday 40% oo qura, taasoo ah marxalad halis ah oo uu qofku naf ka ilaalis noqon karo. Xilligaas waxaa halis ku jirey sambabada iyo kelyaha, waxaana sidoo kale xinjiroobey dhiigga sambabada iyo wadnaha, sida ka muuqata warbixintiisa caafimaad. Markii uu bil ku xirnaa neef-siiye waa dhintay Sheekh Cabdiraxmaan oo 49-jir ahaa.

Hadalsame Media