Cristiano Ronaldo oo ay Talyaaniga ku qabsatay arrin aan ku dhicin waayihiisa ciyaareed oo dhan

0

(Roma) 18 Juun 2020 – Waa markii ugu horreeysey taariikhda ee uu Cristiano Ronaldo ku hungoobo laba final oo xiriir ah, tan iyo maalintii uu bilaabay inuu noqdo xirfadle kubadda cagta dheela, kaddib markii xalay laga qaaday Coppa Italia.

Kooxda Bianconeri ayaa waxaa bishii Diseembat 3-1 koobka Supercoppa uga xoogtey kooxda SS Lazio, ciyaar ka dhacday Riyaad, markaasoo gool uu dhaliyey Paulo Dybala ay masaxeen Luis Alberto, Senad Lulic iyo Danilo Cataldi.

Juve ayaa waxaa xalay Coppa Italia u qoonsatay kooxda SSC Napoli oo 90 daqiiqo 0-0 ku celisey, kaddibna 4-2 rigoore ah uga qaadday Stadio Olimpico, iyada oo aan ciyaarta waqti dheeraad ah lagu darin.

Ronaldo oo 53 gool u dhaliyey Juve oo uu u saftay 77 kulan oo rasmi ah, ayaa tan iyo intii uu usoo wareegey u qaaday hal Scudetto oo ahaa 2018-19 iyo hal Italian Supercup.

Sidoo kale Gianluigi Buffon ayaa soo qaban waayey rikoodhka Roberto Mancini oo qaaday 6 Coppa Italia.

Hadalsame Media