Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo Muqdisho tegey (Qorshe ballaaran oo uu wado)

0

(Muqdisho) 18 Juun 2020 – Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Md Ahmed Shide, ayaa booqasho aan lasii shaacinin maanta ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia.

Wasiirka ayaa iminkadan kulamo gaar ah la qaadanaya Madaxweyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo ka wada hadlay waxyaabo ay ka mid yihiin; xiriirka labada dal, qorshaha isu socodka Geeska Afrika, isku xirka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta heshiisyadi labada dal iyo iskaashiga Amniga.

Wasiirka ayaa sidoo kale DF Somalia ku wareejiyey dawo loogu tala galay la tacaalidda cudurka Coronavirus (Covid)-19) oo ay DF Itoobiya ugu deeqday dalka Somalia.

Wasiirka ayaa horay mar u yimid magaalada Muqdisho, waana siyaasiga iminka ugu firfircoon siyaasiyiinta Soomaalida ah ee ka tirsan nidaamka dalka Itoobiya.

Hadalsame Media