Bahda Hadalsame Media oo ka tacsiyaynaysa geerida naxdinta leh ee marxuum Maxamed Baashe

0

(Hadalsame) 18 Juun 2020 – Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Allaha u naxariistee waxaa geeriyoodey marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo saaka Rabi oofsaday.

Maxamed Baashe ayaa wuxuu ahaa cod cusub iyo nin culus oo u taagnaa madlo badanna uga hadla muhiimadda ay markan leedahay midnimada Somalia iyo in dib loo yagleelo iyada oo ku dhisan daacadnimo iyo wax wada qabsi.

Marxuumka ayaa beryihii dambe dhul yaal u ahaa wax loo maleeynayey cudurka karoonaha oo Soomaalida ka galaaftay dad badan oo wax gal ahaa, balse markii dambe isla boggiisa lagu xaqiijiyey in laga waayey kaddib markii la baaray.

Bahda Hadalsame MEDIA waxay ehelkiisa, aqribadiisa, asxaabtiisa iyo dhamaanba umadda Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaan geeridan naxdinta leh ee ku timid marxuumka.

Allaha u naxariisto. Aamiin.

Hadalsame Media