DEG DEG: Cidda ku guulaysatey kursigii Golaha Amaanka ee ay isku hayeen Jabuuti-Kenya oo la shaaciyey

0

(New York) 17 Juun 2020 – Dalka Kenya ayaa helay kursigii Golaha Amaanka ee ay isku haysteen Dowladaha Kenya iyo Jabuuti, sida iminka soo baxday.

Labada dal ayuu midkoodba ku doodayey doorka ay ku leeyihiin nabadaynta qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika, waxaana xafiiltankoodu gaarey meel kulul, iyada oo la sheegay in shirkii ugu dambeeyey ee madaxda gobolka qaarkood joogeen ee DF Somalia iyo Somaliland ayJabuuti albaabada ka oodatay Kenya oo codsatay inay kasoo qayb gasho.

Dalal badan oo Islaam ah ayaa la filayey inay Jabuuti u codeeyn karaan, balse nasiib xumo Jabuuti ma helin codad ku filan oo ay ku heli karto kursigan saamaynta leh. Kenya ayaa iminka kursigan ku fadhin doonta 2 sanadood (2021-2022). 193 dal ayaa u kala codeeyey labada dal, waxaana dalkii guulaysanaya looga baahnaa 3 meelood oo 2 meel.

Labada dal ayaa aad iskugu xumaaday intii lagu jirey ololaha loogu jirey kursigan caawa lagu kala baxay, iyadoo ay dalal badan oo Afrikaan ihi Kenya u leexdeen.

Kenya ayaa hadda taagan boos saamayn leh, lamana oga inay galaangalkeeda u adeegsan karto dacwadda Badda ee ka taalla Maxkamadda ICJ ee Hague.

Hadalsame Media