”Kalsoonidii ayaa naga luntay!” – Soomaalida oo ka NAXSAN arrin uu ku kacay waayeel falfal xun & warar kale oo Soomaalida ku saabsan (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 17 Juun 2020 – Fal horraantii toddobaadkan ka dhacay galbeedka magaalada Stockholm ayaa welwel ku abuuray bulshada ku dhaqan nawaaxigaasi. Taas oo horseeday in ay dhaawacanto kalsoonidii loo qabay dadka arrimmaha bulshada ku shaqeeya, sida uu sheegayo Ismail Ali oo muddo 10 sannadood ah ku dhaqnaa aaggaasi.

Soomaalida oo ka welwelsan fal ka dhacay Stockholm, Dhimashada karoonaha oo 5000 dhaaftay & talo ku saabsan halka loo dalxiisin karo carruurta Soomaalida

………………………………………….

24-kii saacadood ee ugu dambeeyey waxaa dalka sweden caabuq sidaha Covid-19 ugu dhintay 102 qofood, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka dadwaynaha ee Folkhälsomyndigheten.

Taasoo ka dhigan in tirada dadka cudurkan sweden ugu xijaabtey ay iminka marayaan 5041 qofood, taasoo ka dhigan inay dhimashadu iminka dhaaftay 5,000.

……………………………………….

Iyada uu cudurka safmarka ah ee Koroonuhu keenay iney dad badani sannadkan fasaxooda ku qaataan dalka gudihiisa ayaa waxa muhim in waalidku aanu taa u arag dhibaato.

Ismaaciil Abuukar oo ah waalid leh laba carruura ayaa laanta afsoomaaliga u sheegay in carruurta loo wadi karo keeymaha isla markaana ay taasi faa’iido badan leedahay.

Hadalsame Media