DHEGEYSO: Sweden oo durba ka ”FAA’IIDDEY” handaraab la’aantii (Tirakoob)

0

(Stockholm) 17 Juun 2020 – Hoos u dhaca dhaqaalaha Sweden ayaa la sheegayaa inuu ka roon yahay sidii la moodayey markii hore, sida uu sheegayo Machadka Qaran ee Daraasaadka Dhaqaalaha.

Sida uu qabo Machadka KI, GDP-ga Sweden ayaa hoos u dhacaysa ilaa 5.6%, taasoo dhaanta dalal badan oo Yurub ah iyo saadaashii hore ee bishii Abriil oo ahayd 7%.

Waxaa sababta ugu wayn lagu sheegay Sweden oo aan gelin handaraab buuxa sida dalalka kale, sida uu faalleeyaha dhaqaale ee KI, Kristian Åström.

– Farqiga u dhexeeya Sweden iyo dalalka kale ee Yurub haatan wuu ka ballaaran yahay intii markii hore la saadinayey. Markii hore waxaa la xisaabay inuu yahay 1%, haatan se wuu ka wayn yahay, ayuu yiri Kristian Åström.

Halkan hoose ka dhegeyso warbixin uu ka diyaariyey Maxamed Xaaji oo ka tirsan Radio Sweden.

Hadalsame Media