DAAWO: Jabuuti waxaa lagu gaarey ”heshiis qarsoodi ah” oo uu Turkigu ka dambeeyo!” – Saxaafadda Masar oo afka furatay!

0

(Qaahira) 17 Juun 2020 – Saxaafadda Masaarid ayaa mar qura kusoo baraarugtey arrinta Somalia oo aysan wax ku filan ka qabanin muddo 30 sanadood ah, iyaga oo diiradda saaray shirka DF Somalia iyo Somaliland ee dalka Jabuuti.

Shirkan oo aanu Turkigu goobjoog ka ahayn ayay sheegeen inuu lug ku leeyahay, isla markaana uu Masar dhinac walba uga hormaray, min Libya oo iyaga deris la ah, ilaa Jabuuti iyo Somalia oo uu ugu yaraan ”laba saldhig ku leeyahay.”

Barnaamijkan oo lagu soo qaatay hilinka Masriga ah ee TEN ayaa lagu soo qaaday in sidoo kale ay Qadar saamayn wayn ku leedahay MW Somalila ee Maxamed Farmaajo oo uu gacantiisa midig yahay Fahad Yaasiin oo ah madaxa Mukhaabaraadka Somalia, kaasoo aad ugu xiran Qadar.

”Bal eega khariidadda, halkee Turki ku taallaa, waxay soo martay Badda Cas iyada oo tagtay halka ugu fog Geeska Afrika iyo Libya oo aanu xadba la lahayn, iyada oo wadata qorshe gumaysi,” ayuu sharraxayaa weriyaha barnaamijku.

Waxaa la fahamsan yahay in dalalka Carabtu aysan qadiyadda Soomaalida daacad uga ahayn sidii ay markii hore Soomaali badani u haysatey, iyaga oo aan tusaale ahaan muujinin wax rabitaan ah oo wax loogu qabanayo Soomaalida, balse marka ay arkaan wax laga qabanayo Somalia ayay aad u qayliyaan ama u qasaan, sida ka muuqata gabalkan muuqaalka ah oo isku xiraya Turkiga iyo shirka Jabuuti oo aanu Turkigu kaba qayb gelin oo ay sheegayaan inay heshiis sir ah lagu gaarey.

Hadalsame Media