NAIROBI: ”Waa i dili rabaan!” – Wiilal uu dhalay maalqabeen Soomaali ah oo dhaxalkiisa iskula dheggan isagoon weli dhiman

0

(Nairobi) 17 Juun 2020 – Wiilal uu dhalay maalqabeen la yiraahdo Yussuf Adan oo ka xoolaystay Jaad uu 60-meeyadii kasoo daabuli jirey dhanka Meru, isla markaana haysta hanti fara badan oo ma guurto ah ayaa isku dheggan, sida uu qoray The Star.

Dirirta qoyska ayaa bilaabatay sanadkii tegey, waxayna u dhaxaysaa 3 wiil oo ay dhashay xaaskiisii 1-aad ee Minwaynta ahayd oo la yiraahdo Khadija Mullah iyo 4 ay dhashay middiisa 2-aad, waloow ay carruurtiisu guud ahaan gaareyso 15.

Adan, oo iminka 80-ka dhaafay, ayaa iska leh dabaqyada dhaadheer ee Yalah Towers ee dhanka CBD ee Nairobi, Lenana Towers oo ku yaalla Lenana Road iyo Riara Apartments oo u dhow Junction Mall.

Wuxuu sidoo kale saami badan ku leeyahay Blue Bird Aviation, oo ka mid ah dayuuradaha ugu waawayn dalka Kenya kaddib calan sidaha, Kenya Airways.

Waxay sanado badan maxkamad isku hayaan ragga shirkada la ah — sida sarkaal hore oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka Kenya Col (Rtd) Hussein Farah iyo Mijirka (Rtd) Hussein Mohammed — waxaana qiimaha shirkadda Blue Bird lagu qiyaasayaa Sh15 bilyan oo shilin.

Mzee Adan, oo reer Mandheera ah, ayaa 60-meeyadii ka lacagaystay Jaadka oo uu u kala daabuli jirey gobolka NFD ama Woqooyi Bari iyo dalka Somalia.

Waxay sheekadu bilaabatay bishii Nofeembar ee sanadkii tegey, kaddib markii uu mid ka mid ah wiilashu ogaadey in lacag dhan Sh200 milyan oo shiilin si aan sax ahayn looga saaray khasnadda, taasoo keentay inuu bilowdo coltan furan oo u dhexeeya caa’ilada odayga, iyada oo la sheegayo inay xitaa gaartey inay dil iskugu hanjabaan wiilashu.

28-kii Maarso Abdinajibi Abdi, ayaa dacwo gaarsiiyey Booliiska isaga oo ashtakeeyey Abdirahman Yussuf, Samatar Adan, iyo Abdirizak Yussuf oo uu sheegay inay u dhaarteen. Waa 3-dan wiilba wada dhashay eedadii Khadiija.

Halkaa ayayn kaddib kasii socotay, waxaana fashilmay qorshe ay wadeen odayaal beeshooda ah oo lagu doonayey in xaaladda lagu dejiyo.